Safiirrada Talyaaniga iyo Shiinaha oo tagay Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Wafuud ay kala hogaaminayaan safiirrada dowladdaha Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa goordhaweyd lagu soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Labadaan masuul iyo wafdigooda waxaa soo dhaweyn u sameeyay madaxda ugu sarraysa Puntland iyagoo warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada garoonka.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa u mahad celiyay safiirrada soo gaaray Bosaso, wuxuuna ka mahadceliyay shirkadda dalka shiinaha qaabka garoonka u dhistay.

Safiirka Shiinaha ee Somalia ayaa dhankiisa xusay in shirkadda CCECC sii wadayso dadaalkeeda iyo garab istaaga Puntland, sidoo kale safiirka Talyaaniga ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay in wajiga koowaad mashruucaan la hir galiyo, maadama dowladda Talyaaniga ku deeqday dhaqaalaha ku baxay.

Wariyaha Garowe Online ee kusugun garoonka ayaa soo qaaday sawirro muujinaya qaban qaabada kasocota garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana galinka dambe la filayaa inuu yimaado Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM