Saldhig AMISOM ku leedahay Shabeellaha hoose oo la weeraray

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Xoogag Ururka Al Shabaab ayaa saaka weerar xooggan ku qaadey saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in saaka ay ku waaberiisteen dhawaqa hubka culus iyo qaraxyo ka dhacay saldhiga AMISOM, kadib markii ay soo weerartay Al Shabaab.

Dagaal faraha looga gubtay oo mudo ku dhawaad hal saac socday ayaa dhexmaray labada dhinac, kaasi oo la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud. Waxaa jira khasaarooyin kala gaarey labada dhinac, inkastoo tirada si rasmi ah loo ogeyn.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qabsatay qeybo kamid ah degmada, sidoo kalena ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in AMISOM ay iska caabisay weerarka, islamarkaana wali degmada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey u joogay. Xaaladda ayaa caadi kusoo laabatay markii uu dhamaaday dagaalka.

Qoryooley, oo 120Km Konfur Galbeed uga beegan Muqdisho waxay gashay gacanta dowladda sanadkii 2014, waxaana degmada ka dhacayay mudooyinkii dambe weeraro ay kusoo qaaday Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo ku dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM