Saldhiga ugu weyn Al Shabaab ee Sh/Hoose oo la burburiyay

Image
Image
Image

LEEGO, Soomaaliya - Taliska ciidamada gaarka dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa shaaciyay inay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ay ku bur-buriyeen saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku lahayd gobolkaasi.

Jeneraal Axmed Cabdullaahi, Taliyaha DANAB ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooska ay cagta mariyeen xarun Al Shabaab inta badan kasoo abaabuli jirtay weeraradeeda oo ku yaallay degaanka Leego, oo 140KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

Wuxuu kaloo xaqiijiyay Taliyaha in ay howlgalkaasi ku dileen 10 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab kuwaasi oo ay kamid ahaayeen hogaamiyaal sare oo u qaabilsanaa dhanka aruurinta Zakada khasabka ah ee Kooxda ka qaado dadka deegaanka.

"Ciidamada DANAB waxay gudaha u galeen oo ay burburiyeen saldhiga Kooxda Al Shabaab ee Leego kadib howlgal dhanka dhulka ah, waxayna ay ku dileen 10 dagaalyahan," ayuu yiri Jeneraal Axmed Cabdullaahi.

Taliyaha ayaa ku adkaystay in wax khasaaro ah dadka shacabka ah kasoo gaarin howlgalkooda, kaasi oo imaanaya xili dowladda ay wado qorsho duulaan ugu qaadayso Al Shabaab, si Kooxdan looga saaro goobaha ay ku sugan tahay ee dalka.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya la wareegeen gacan ku heynta deegaan mudo kooban, kadib markii dagaal uga saareen Al Shabaab.

Leego waxaa ka dhacay bishii June, 2015 weerar Al Shabaab ay ku qaaday saldhig ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana lagu dilay askar badan oo ilaa hadda tiradooda rasmiga la shaacin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM