Saldhigyo ay Al-Shabaab ku diyaarinaysay Qaraxyo oo la duqeeyay

Image
KISMAYO - Maamulka Jubbaland ayaa fahfaahin wuxuu ka bixiyey duqaymo saacadihii lasoo dhaafay ay diyaarado dagaal ka fuliyeen degaano hoos-yimaadda gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.
 
Wasiiru-dowladaha Amniga dowlad goboleedkan, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa u sheegay saxaafadda in weerarka cirka ah oo ka dhacay degaanka Ceel-cadde lagu beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.
 
Mr. Kaliil ayaa carabka ku dhuftay in duqaynta oo ay ka war-qabeen lagu burburiyay Saldhigyo ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ku diyaarinaysay walxo qarxa, iyo Goobo hoy u ahaa.
 
Saraakiil sarre oo ka tirsan xoogagan dagaalka kula jira dowladda caalamku taageero, kuwaasi oo labo kamid ah uu xusay magacyadoodu ayuu Wasiiru-dowladaha tilmaamay inay lagu khaarijiyay howlgalka.
 
Dhimasho iyo dhaawac uusan carabaabin tirada saxda ah ayuu cod dheer ku qeexay inay ugu geysteen dagaalamayaal, iyo dad uu ku sheegay inay kamid ahaayeen Ehelka xubaha Shabaabka ah.
 
Madaxa Amniyaat-ka ee Shabaab u qaabilsan gobolka, kaasi oo uu magaciisu ku sheegay Ibraahim Cali Joogtaan iyo nin uu ku tibaaxay magaciisa Macalin Cusmaan oo kamid ahaa hogaamiyaasha kooxda ayuu xusay in kamid ahaayeen dadka dhintay.
 
"Howlgalka oo dhacay saqdii dhexe ee Talaadii waxaa laga gaarey guulo wayn. Saldhigyo ay qaraxyo iyo weeraro ku abaabulayeen, Guryo iyo saraakiil sarre ayaa lagu baaba'shey. Dad rayid ah oo Qoysaskooda ah [Haween iyo Caruur] ayey waxyeelo kasoo gaartey," ayuu raaciyay.
 
Wasiiru dowladaha Amniga Jubbaland, ma uusan ku guulaysan inta uu warbaahinta la hadlayey inuu sheego cidda fulisay weerarka cirka ah, balse dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo gobolka waxaa fuliya diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya.
 
Bishii hore ayay ahayd markii taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika, AFRICOM, uu sheegtay in duqayn ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ay ku dileen Sagaal dagaalame oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM