Sanbaloolshe oo dib loogu magacaabay madaxa sirdoonka Soomaaliya

Image
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabida agaasimaha cusub ee NISA.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM