Saraakiil baaritaan u wajahaysa hub ay AlShabaab weerar ku furatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa baareysa suurtogalnimada "dayac" kadib markii ururka Al-Shabaab uu saanad iyo gaadiid ku furatay weerar.

Gulufka oo Axadii, 22-ka September 2019-ka, ka dhacay tuulada Ceel Saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose ayay maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ku furteen hub fara badan iyo gaadiid nooda dagaalka.

Baareyaal ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sidda ayaa Arbacadii, 25-ka Sep, kormeeray meesha ay wax ka dhaceen iyaga oo raadinaya cidda mas'uulka ka ah wixii dhacay.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamadda, oo goobta tegay, ayaa wuxuu xusay in sharciga la marsiinayo cid kasta oo lagu helo.

"Hadii uu jiro dayac; ma taliska ayaa leh, ma kan qeybtaa leh ama saraakiisha ayaa leh, ama ciidankii ka shaqeynaayey meeshaan leh, waa in ay mas'uuliyadaasi cid qaadataa marka hore," ayuu ku adkeystay.

Inta la xaqiijiyey 20 askari ayaa ku naf-weysay dhacdadaasi. Wallow, warbaahinta dowladda ay warisay la iska caabiyey duulaanka oo ku bilowday qarax gaari.

"Annagga, garsoor ciidan ahaan, waxaan diyaar u nahay in ciddii ay ku cadaato mas'uuliyadaas in aan talaabo ka qaadno," ayuu raaciyey.

Mr Shuute ma uusan soo hadal-qaadin hadii illaa iyo haatan ay jiraan saraakiil ama askar loosoo xiray falkan oo haatan xabsi ku jira.

"Hubka waa laysku xisaabinayaa, askari in uu dayac ama mas'uuliyad darro ku dhinto waa laysku xisaabinayaa," ayuu ku daray.

Wararka ayaa sheegaya in talaabada ay qaadey xeer-beegtada xoogaga dowladda ay dedaal ka riixeyso Laanta fulinta ee dowladda Soomaaliya.

"Waxaan ugu talogalnay in ay meesha ka baxdo inta dhacdo dhacdo, askari ku dhintaa, hanti lagu waayo, lagana aamusaa," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Shuute, oo Gaashaanle Sarre ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM