Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo "lagu dilay" gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY - Howlgal qorsheysan oo ciidanka DF ay ka fuliyeen degaanka Qoon-dhoob, oo qiyaastii 30-KM ujira degmadda Buur-dhuubo ee gobolka Gedo waxay ku dileen xubno ka tirsan xoogaga Al-Shabaab, sida uu sheegtay maamulka gobolka.

Xasan Maxamed Cali, oo ah Gudoomiyaha Buur-dhuubo ayaa oo saxaafadda kula hadlay gudaha degmadda ayaa wuxuu afka ku balaariyay in Lix kamid ah xoogaga Shabaab ay ku dileen howlgalka, islamarkaana ay jireen tiro kale oo dhaawac ah.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan xubno uu tibaabaxay inay naf-gooyeen Labo kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Shabaab, inkasta oo uusan shaacin magacyadda horjoogayaasha uu ka dhawaajiyay in lagu dilay howlgalka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Gudoomiyaha daboolka ka qaaday in howlgalka ay kaliya fuliyeen ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo si gaar ah u tababar, wallow uu ka gaabsaday inuu shaaca ka qaaday hadii uu jiro khasaaro dhankooda soo gaarey.

"Ciidanka oo howlgal gaar ah ka fuliya degaanka Qoon-dhoob, oo 30-KM u jira Buur-dhuubo waxay ku dileen 6 kamid ah Nabad-diidka oo ay ku jiraan Labo saraakiil sare ah, Hub iyo sanaad ciidan ayaa sidoo kale looga furtay," ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wuxuu ku nuux-nuux saday inay sii wadi doonan Gulufka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka, kaasoo ay si wadajir ah u fuliyaan ciidamo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM, islamarkaana ujeedkiisu yahay in Shabaab laga citir-tiro gobolka.

Ma jiro war rasmi ah oo ay kooxda xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ee Al-Shabaab kasoo saartay warka kasoo yeeray Taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed ee gobolka Gedo, iyo maamulka degmada Buur-dhuubo ee isla gobolka.

Hasa-yeeshee, wuxuu kusoo beegmayaa xili shalay oo Jimco ahayd uu ka dhacay duleedka Magaalada Garbahaarey dagaal kharaar oo dhex-maray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Soomaali ah oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM