Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu diley weerarkii Mareykanka

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo sarkaal oo ka tirsan ururka Al- Shabaab ayaa lagu diley weerar dhowaan ciidamada Mareykanka u gaysteen xero ururka Al-Shabaab ku tababaraan dagaalyanadooda.

Saraakiisha weerarkaan lagu diley ayaa wasaarada Gashaandhiga Mareykanka sheegtey inuu kamid ahaa Yusuf Ali Ugaas oo kamid ahaa dadka wacyi galiya ciidamada al-Shabaab iyo Maxamad Mire. 

Maxamad Mire ayaa ururka Al Shabaab u qabilsanaa gudoomiyaha gobolka Hiraan isagoo sidoo kale ka tirsanaa guddiga Maaliyada ee ururkaas.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegtey in weerarkaan ay gaysteen diyaardaha Dron-ka iyo qumaatiga u kaca kuwasoo bartilmaameedsadey xero ururka Al Shabaab ku lahaayeen halka loo yaqaano Raso ee ka tirsan gobolka Hiraan.

Ururka A-Shabaab ayaan beenin dilka loo gaystey saraakiishaan halka ay wax kama jiraan ka dhigeen tirada ciidamada ee lagaga diley weerarkaan.

Mareykanka ayaa sheegey in 150 ka tirsan ciidamada Al-Shabaab ku dileen xeradaas kuwasoo xuseen iney isu diyaarinayeen weeraro lagu qaado AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM