Sarkaal ciidan iyo Askar lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

Image

BUURHAKABO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay dishay Taliyihii ciidamada militariga degmada Buurhakabo Korneel Cabdiraxmaan Cismaan Abroone iyo saddex Askari oo ilaaladiisa ahaa.

Taliyaha ayaa ku dhintay Weerar gaadmo ah oo xoogaga Al Shabaab ku qaadeen Gaari uu la socday xilli uu marayay duleedka deegaanka Deynuunay oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Buurhakabo iyo Baydhabo.

Korneel Cabdiraxmaan Cismaan ayaa saaka kasoo ambabaxay degmada Buurhakabo, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baydhabo, waxaana jidka u galay dagaalyahanada Al Shabaab oo ku qaarijiyay meel ku dhaw Deynuunay.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wali kama uusan hadlin dilka Korneel Cabdiraxmaan Cismaan oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee ciidamada gobolka Baay.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ku xoog badan Al Shabaab, oo inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada Gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Saraakiisha galbinaya.

Madaxa sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa isticmaala diyaarado markii ay isaga kala gooshayaan degmooyinka gobollada SHabeellaha hoose, Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM