Sarkaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil subaxnimadii Khamiista maanta ah loogu geystay degmada Xamar-weyne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidamada xooga ee dalka.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa lagu waramayaa inay Gaashaanle Sare, Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle ku khaarijiyeen meel ku dhow hoygiisa oo waqtiga la beegsaday uu kasoo baxay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in marxuumka oo ay rasaasta ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa in goobta looga qaaday dhaawac, isaga oo la dhigay Isbitaalka ciidamada xooga.

Xubno ka tirsan qoyskiisa iyo saraakiisha xarunta caafimaadka, ayaa kolkii dambe xaqiijiyay in sarkaalka uu u geeriyooday dhaawacii soo gaarey, oo ahaa mid culus.

"Dilka oo ka dhacay laanta Hilaac, waaxda Yoobsan, gaar ahaan xaafada Isku-raranka ah ee degmada Xamar-wayne ayaa dableydii geystay way ka baxsadeen goobta," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo GO u waramay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dhabarka saaratay mas'uuliyada falkaan, balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado saraakiisha iyo mas'uuliyada dowlada waxaa looga bartay Al-Shabaab.

Bartamaihii bishaan Janaayo, Muqdisho waxaa lagu dilay shaqaalo ka kala tirsanaa wasaaradaha arrimaha Diinta iyo Gudaha. Mana jirto cid loosoo qabtay falalkaasi oo ay sheegatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM