Sarkaal ciidan oo Muqdisho lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilka sarkaalkaan ka tirsanaa Hay’adda Dambi-baarista Soomaaliya ee CID-da ayaa waxuu ka dhacay shalay Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Marxuumka la dilay, oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa ahaa Gaashanle sare, waxaana dilkiisa ka dambeeyeen sida la sheegay rag ku hubeysan Bastooladdo oo goobta isaga baxsaday falka khaarijinta kadib.

Goobjooge ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Soomaaliya ay goobta gaareen dilka kadib, iyagoo fuliyay howlgal lagu raadinayo dableydii falka ka dambeysay

Cismaan Maxamed, oo kamid ah masuuliyiinta Degmada Waaberi ee dhinaca amniga iyo arrimaha Bulshadda ayaa uxaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in howlgaladda ay kusoo qab-qabteen 40 qof oo lagu tuhmayo dilka.

Wuxuu sheegay in dadka ay soo xir-xireen marsiin doonan baaritaano, kadibna ay lasii dayn doono shaqsiyaadka lagu waayo dembi, halka kuwa lagu helana uu sheegay in lahor geyn doono Maxkamadda.

Maalmihii u dambeeyay amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasoo baxaya, waxaana ka dhacayay Falal liddi ku ah Nabad-gelyadda, kaasoo ay fulinayeen kooxo hubeysan, oo katirsan Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ka geysta Muqdisho, kuwaasoo beegsaday Askarta dowladda, Nabadoonada, shaqsiyaadka caanka iyo waliba xubnaha aadka ugu dhow shaqaalaha dowladda.

Dilkaan ayaa imaanaya xili isbedal lagu sameeyay amaanka Muqdisho oo loo gacan-geliyay Booliska xili la kala diray Hay’adda Nabadda Sugida, taasoo ka dambeysay markii uu khilaaf hareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM