Sarkaal ciidanka Soomaaliya katirsan oo ku dhintay shil gaari [Magaca]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan Afar askari oo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa ku dhaawacay, halka uu ku dhintay sarkaal Shil gaari oo ka dhacay afaafka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarun goboleedka Shabeellaha Dhexe.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah, kaasoo ay la socdeen Askarta oo ka baxday xarunta rasmiga ah ee HirShabelle xili ay kusii jeedeen tuulooyin hoos-yimaada caasimadda dowlad goboleedkaan.

Sarkaalka ku geeryooday shilkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen [Mukhtaar Jareer], waxaana goobta uu shilka ka dhacay looga qaaday qaab dhaawac ahaa, laakiin waxay nafta ka baxday markii Isbitaal loola cararay.

Goobjooge si dhow ula socday xaaladda ayaa u sheegay Warisdaha Garowe Online in gaariga qalibmay uu ku socday Xawaare sarre kahor inta uusan rogman, taasoo loo nas-beeyay shilka.

"Gaariga wuxuu ku socda xawaare sare kadibna waa uu gadoomayey. Aniga waxaan arkay Askar dhaawac ku noqotay. Haa, wuxuu ka baxay Cabdi Bilaha bartamaha magaaladda," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa ku sheegay Calinuur Saalax.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo HirShabelle oo ka hadlay geerida sarkaalka ayaa ka tacsiyadeeyay, waxayna tilmaameen inuu ahaa shaqsi wanaagsan, kaasoo heegan u ahaa had iyo goor inuu daafaco dalkiisa iyo dadkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM