Sarkaal ciidanka Soomaaliya katirsan oo ku dhintay shil gaari [Magaca]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan Afar askari oo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa ku dhaawacay, halka uu ku dhintay sarkaal Shil gaari oo ka dhacay afaafka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarun goboleedka Shabeellaha Dhexe.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah, kaasoo ay la socdeen Askarta oo ka baxday xarunta rasmiga ah ee HirShabelle xili ay kusii jeedeen tuulooyin hoos-yimaada caasimadda dowlad goboleedkaan.

Sarkaalka ku geeryooday shilkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen [Mukhtaar Jareer], waxaana goobta uu shilka ka dhacay looga qaaday qaab dhaawac ahaa, laakiin waxay nafta ka baxday markii Isbitaal loola cararay.

Goobjooge si dhow ula socday xaaladda ayaa u sheegay Warisdaha Garowe Online in gaariga qalibmay uu ku socday Xawaare sarre kahor inta uusan rogman, taasoo loo nas-beeyay shilka.

"Gaariga wuxuu ku socda xawaare sare kadibna waa uu gadoomayey. Aniga waxaan arkay Askar dhaawac ku noqotay. Haa, wuxuu ka baxay Cabdi Bilaha bartamaha magaaladda," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa ku sheegay Calinuur Saalax.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo HirShabelle oo ka hadlay geerida sarkaalka ayaa ka tacsiyadeeyay, waxayna tilmaameen inuu ahaa shaqsi wanaagsan, kaasoo heegan u ahaa had iyo goor inuu daafaco dalkiisa iyo dadkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo afkiisa ka ilaaliyay in Puntland magaceeda ugu yeero

Mareykanka iyo dowladaha kale ee deeqbixiyaasha ayaa sheegay inaysan wax lacag ah ku bixin doonin howlgalka AUSSOM.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 07:44AM