Sarkaal dilay Taliye ku xigeen oo Maxkamad la soo taagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka u fariisatay dhageysiga kiis dil ah oo loo haysto Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh, oo kamid ah ciidamada Badda.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu gacantiisa ku dilay Taliye Ku xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) 18-kii January, 2018.

Allah ha u naxariistee Siciid Mariino ayaa lagu dhex dilay Dekadda Muqdisho xilli habeen ah, iyadoo dilkiisana loo qabtey Cabdinaasir oo saraakiisha Boolisku ay sheegeen inuu bastoolad ku toogtay  markii ay murmeen.

Xarunta Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka waxaa Gobjoog ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya oo ka qeybgalay dhageysiga Kiiska dilka ah ee loo haysto Cabdinaasir Xoosh.

Maxkamadda ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay go’aan rasmi ah ka soo saarto kiiska, iyadoo dhageysiga dacwadan ay kusoo beegmayso xilli ciidanka badda u dabaal degayo Sanad-guuradii 53-aad ee aas aaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM