Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo Baladweyne lagu dilay

Image

16 December, 2015(GO)-Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa saaka lagu dilay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan oo  muddooyinkii dambe ka socotay xiisad dagaal u dhaxaysa laba mallayshiyo beeleed.

Maxamed Muumin Cirba-dheere ayaa qayb ka ahaa ciidamo dowladdu kala dhex dhigtay labada mallayshiyo, waxaana toogtay mid ka mid ah ciidamada kooxaha ku dagaallaymaysa magalada.

Wararka aan ka helayno xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay ruuxii dilkaasi fuliyay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay dadaallo ka socda magalada Baladweyne taasoo lagu soo afjarayo colaad sababtay geerida in kabadan 20 ruux kadib dagaallo dhexmaray beelo wada daga xaafadda Howl wadaag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM