Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Image
Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ayaa Aadan Biit oo ahaa sarkaa sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliska ku dishay meel aan ka fageen xarunta Iskool buluusiya ee magaalqda Muqdisho fiidnimadii caawa oo Jimco ah.

Kooxda hubeysan ayaa waxay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay kahor inta aysan imaan laamaha ammaanka.

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay dilkan waxa uuna tacsi u diray ehelada marxuumka.

"Waxaan ugu tacsiyadeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si gaar ah caruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u naxariistee Kornayl Aadan Cumar ( Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo ay caawa cadawga argagexisada ah ee Muqdisho ku dileen," ayuu yiri.

Waxa uu raaciyay: "Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo".

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe kuwaas oo hay’adaha nabad-gelyadda ay ku guuldareysteen in ay la tacaalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM