Sarkaal kasoo goostay Al Shabaab oo warbaahinta la hadlay

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya- Sarkaal katirsanaa mallayshiyaadka Al Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya, oo 12-kii bishan isu soo dhiibay ciidamada dowladda, ayaa maanta la hadlay warbaahinta isagoo shaaciyay inuu fikirkii hore ka tanaasulay.

Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Kooxdan u qaabilsanaa Gobalka Gedo balse markii Dambe ka howlgali jiray Deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, ayaa shaaciyay in fikirkii uu ku dagaallami jiray ahaa mid khaldan hadana diyaar u yahay inuu la shaqeeyo ciidamada dowladda una adeego shacabkiisa.

Wuxuu fariin u diray asxaabtii ay isku mabda' ahaayeen isagoo ka codsaday inay isa soo dhiibay oo ay ka faa'iidaystaan codsiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliye kuxigeenka Nabad sugida Jubbaland ee Baardheere Axmed Maxamed Cabdulaahi (Garab Gooye), ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii amniga deegaanada ay ka taliyaan u sugi lahaayeen, isagoo intaas ku daray in laga faa'iidaysto cafiska Madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa timid xilli magaalada Kismaayo uu ka socdo shir looga hadlayo amniga dalka gaar ahaan sidii loo xorayn lahaa meelaha Al Shabaab gacanta kaga hayso Gedo iyo Jubbooyinka.

Maaha markii ugu horaysay ee warbaahinta loo soo bandhigo xubin sare oo katirsan Al Shabaab, waxaana muddooyinkii dambe Saraakiisha Jubbaland soo bandhigayeen dhalinyaro badan oo kasoo laabtay fikirka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM