Sarkaal katirsan Ciidanka Badda oo Dil lagu xukumay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku riday Korneyl katirsan Ciidamada Badda Soomaaliya, oo ku cadaatey kiis dil ah oo lagu soo eedeeyay.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed, ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii uu dil bareer ah ugu geestay Muqdisho Abaanduulihii Ciidamada Badda, S/Guuto Saciid Aadan Yuusuf [Saciid Mariino] 18-kii bishii January.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay xilli habeen ah gudaha Dekedda magaalada Muqdisho, waxaana Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh uu bastoolad uu watay ku toogtay Saciid Mariino markii ay murmeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka Maxkamadda ee eedaysane Gaashaanle Sare Cabdinaasir.

"Maxkamadda waxay marka hore Darajada uu sitay ee ahayd Gaashaanle Sare ka xayuubisay Cabdinaasir Xoosh, waxayna ku xukuntay Xukun Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta Sarkaalkii uu dilay ee Saciid Mariino," ayuu yiri Shuute.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa la siiyay fursad uu Racfaan uga qaadan karo Xukunka Dilka ah ee lagu riday maanta, kaasi oo Maxkamadda ku sheegtay inuu yahay mid loo helay cadeymo iyo qiraal uu isaga sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM