Sarkaal katirsan Ciidanka Badda oo Dil lagu xukumay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku riday Korneyl katirsan Ciidamada Badda Soomaaliya, oo ku cadaatey kiis dil ah oo lagu soo eedeeyay.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed, ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii uu dil bareer ah ugu geestay Muqdisho Abaanduulihii Ciidamada Badda, S/Guuto Saciid Aadan Yuusuf [Saciid Mariino] 18-kii bishii January.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay xilli habeen ah gudaha Dekedda magaalada Muqdisho, waxaana Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh uu bastoolad uu watay ku toogtay Saciid Mariino markii ay murmeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka Maxkamadda ee eedaysane Gaashaanle Sare Cabdinaasir.

"Maxkamadda waxay marka hore Darajada uu sitay ee ahayd Gaashaanle Sare ka xayuubisay Cabdinaasir Xoosh, waxayna ku xukuntay Xukun Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta Sarkaalkii uu dilay ee Saciid Mariino," ayuu yiri Shuute.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa la siiyay fursad uu Racfaan uga qaadan karo Xukunka Dilka ah ee lagu riday maanta, kaasi oo Maxkamadda ku sheegtay inuu yahay mid loo helay cadeymo iyo qiraal uu isaga sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM