Sarkaal katirsan NISA oo beeniyay inuu ka dambeeyo Qaraxii Howlwadaag

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenkii Hay'adda NISA ee degmadda Howlwadaag, Axmed Kheyr Cadow ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegaya inuu ahaa ruuxii isku qarxiyey xarunta degmada Howlwadaag maalintii Axad ee lasoo dhaafay.

Axmed Kheyr Cadow, oo ah Taliye ku xigeenka Hay'adda NISA u qaabilsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas, isaga oo shaaca ka qaaday inaanu wax ka jirin, islamarkaana uu haatan yahay mid badqaba.

Wuxuu qiray in waqtiga uu weerarka uu ku sugnaa gudaha xarunta, laakiin aanan xitaa kasoo gaarin wax Garaafo ah, wuxuuna ku nuux-nuux saday inuu sharciga la tiigsan doono warbaahinta faafisay, warkaas beenta ah, siduu hadalka udhigay.

"Ma jiro wax laysku qaldi karo, mar hadii la adeegsaday Magaceyga iyo Sawirkeyga. Waan la hadlay xaruntii warkaasi baahisay [Radio Dalsan], waxaana la iisheegay inuu maqan yahay Agaasimahooda, balse, waxaan ka gudbiyay dacwad," ayuu yiri Axmed.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xarunta degmada Howlwadaag ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, oo ay ku jiraan caruur Dugsiiley ahayd, halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, kuwaasoo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad.

Kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyada weerarkaan, iyadoo carabka ku dhufatay inay ku dishay Askar iyo Shaqaale ka tirsanaa maamulka degmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM