Sarkaal katirsan NISA oo la dilay [Magaca + Sawirka]

Image

BELED-XAAWO - Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda ee magaalada Beled Xaawo ayaa xalay ku dhintay iska horimaad ka dhacay magaalada oo dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Axmed Faarax ayaa sheegay inuu madax ka ahaa ciidanka roondada ee dhinaca nabad-sugidda magaalada.

Dadka magaalada ayaa VOA u sheegay inay rasaas maqleen xalay saqdii dhexe kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar gaamdo ah ku qaadeen ciidamo roondo ahaa.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay NISA, oo ku saabsan dillka Sarkaalka, oo kusoo beegmaya xilli qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa saaka howlgal ka fuliyay gudaha iyo dibadda magaalada, kadib weerarkii xalay ee Sarkaalka lagu khaarijiyay, kaasoo ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM