Sarkaal katirsan NISA oo la dilay [Magaca + Sawirka]

Image

BELED-XAAWO - Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda ee magaalada Beled Xaawo ayaa xalay ku dhintay iska horimaad ka dhacay magaalada oo dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Axmed Faarax ayaa sheegay inuu madax ka ahaa ciidanka roondada ee dhinaca nabad-sugidda magaalada.

Dadka magaalada ayaa VOA u sheegay inay rasaas maqleen xalay saqdii dhexe kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar gaamdo ah ku qaadeen ciidamo roondo ahaa.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay NISA, oo ku saabsan dillka Sarkaalka, oo kusoo beegmaya xilli qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa saaka howlgal ka fuliyay gudaha iyo dibadda magaalada, kadib weerarkii xalay ee Sarkaalka lagu khaarijiyay, kaasoo ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM