Sarkaal katirsan UNICEF oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Shaqaalaha ajnabiga ah ee katirsan Hay'adda UNICEF ayaa lagu dilay maanta magaalada Muqdisho ee Caafimadda Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ninkan Ajnabiga ah lagu dhexdilay gudaha xarunta Hay'adda oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee degmada Wadajir, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Askari kamid ahaa ilaalada Hay'adda.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay GO in ninka la dilay uu u dhashay dalka Uganada, kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee xafiiska Hay'adda UNICEF ee Muqdisho.

Waxaa dilay Askari dhawaan shaqada laga eryay, kaasi oo goobta isaga baxsaday markii uu dilay ninkan u shaqeynayay Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xarunta la wareegay oo wada baaritaan dilka ku aadan, balse wali ma jirto fahfaahin ay saraakiisha amniga ka bixiyeen dhacdadan.

Ciidamada AMISOM ayaa dilka kadib xarunta kasoo daadgureeyay shaqaalaha kale ee ajnabiga ah, oo ay u qaadeen xarunta Xalane oo ay degan yihiin Hay'adaha UN-ka iyo Saraadaha ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM