Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo "la dilay" [Magaca]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolada Jubooyinka ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Soomaaliya iyo kuwa Ajnabi ah, sida uu sheegay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Guutada 58-aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Gaashaanle Dhaxe, Cabdi Yare, ayaa daboolka ka qaaday in Shaqsiga ay dileen lagu magacaabi jiray "Aruuriyoow."

Wuxuu Taliyaha intaas ku daray in howlgalka ay ku khaarijiyeen Aruuriyoow, uu ka dhacay deegaannka Araare oo ku dhow degmada Jamaame oo 66-KM ku jirta magaalada Kismaayo, ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

"Howlgalkaan waxaa nagala qeyb qaatay ciidamo Mareykan ah, naga gacan siiyay dilka Aruuriyoow, oo ahaa sarkaal sare oo u qaabilsanaa dhanka cashuur qaadista," ayuu yiri Taliye Cabdi Yare.

Marka laga soo tago sheegashadda Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ma aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya inay khaarijiyeen sarkaalkaan Al Shabaab kamid ahaa, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya.

Sidaasi si lamid ah, Al-Shabaab wali dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin warka kasoo baxay Taliska ciidanka xooga oo ah in laga dilay sarkaal dhanka lacag qaadista u qaabilsanaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ajnabi ah oo Mareykan iyo AMISOM ah, ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab-ka ku sugan duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Muqdisho Kaga Dhawaaqaya Xisbi Cusub – Yaa Ka Mid Noqonaya Hoggaankiisa?

Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud….

  • Soomaliya

    04-05-2025

  • 10:16PM

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM