Sarkaal sarre kana soo goostay AlShabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalame sarre oo la sheegay in uu ka tirsanaa AlShabaab ayaa wuxuu isku dhiibay ciidanka dowladda ee degaanada Koonfur Galbeed.

Yarow Xasan Aadan oo ku magac dheer Seyfu-Laah ayaa waxaa Khamiista maanta ah lagu soo bandhigay magaaladda Xudur ee xarunta gobolka Bakool, koonfurta dalka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku warameysaa in Seyfu-Laah "uu ka tanaasulay fikirka xarjirnimadda".

"Waxaan uga soo baxay [kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida] markii aan arkay weerarada macno darada oo ay shacabka ku laynayaan," ayaa laga soo xigtay.

Seyfu-Laah oo kasoo dagaalamay gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa wuxuu u qaabilsanaa maleyshiyaadka isku xirka horjoogeyaasha iyo dagaalameyaasha.

"Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan waydiisanayaa cafis," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ay qortay Wakaaladda wararka Qaranka ee loo yaqaano SONNA.

Aadan ayaa lasoo baxsaday qori AK 47 ah. Ma cadda talaabadda xigta oo laga qaadayo, wallow xubnaha aalaaba soo goosta la geeyo xarumo dhaqan-celin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM