Senataro kasoo jeeda KG oo War kasoo saaray Xariga Mukhtar Roobow [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno katirsan Aqalka Sare oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed War kasoo saaray Xariga Mukhtar Roobow, oo shalay lagu xiray Baydhabo kadibna Muqdisho loo soo wareejiyay.

Qoraal ay soo saareen Senatarada dowladda Federaalka ku matala dowladda dhexe ayaa waxay ku dalbadeen in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Roobow, iyagoo sheegay inuu yahay musharax si sharci ah u buuxiyay shuruudihii musharaxnimo.

Waxay ka dalbadeen ku xismaha Madaxweynaha KG, Baarlamaanka maamulkan iyo Guddiga doorashada inay dib u dhigaan doorashada 19-ka bishan loo balan-san yahay, illaa laga helayo jawai xasiloon oo suurtagelinaya doorasho xor iyo xalaal ah.

Senatarada ayaa ku tilmaamay xariga Roobow afduub aan sharci ahayn, iyagoo caddeeyay in dhibaatooyinka amni iyo mida siyaasadeed ee ka taagan hadda Baydhabo ay yihiin kuwa ay horey uga digeen, islamarkaana mas'uuliyadda ay qaadeyso DF.

Xildhibaanada ayaa cambaareeyay tallaabadii ciidamada Itoobiya ku xireen Mukhtaar Roobow, iyadoo sheegay in wax laga xumaado tahay in AMISOM ku milanto siyaasadda Soomaliya, una adeegsato Xukuumadda Soomaaliya faragelinta doorashada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM