Senator Farole oo u tacsiyeeyay Marxuum Maxamud Cismaan-dicin

Image

GAROOWE, Puntland- ALLAHA u naxariistee waxaa maanta dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ku geeriyooday Maxamud Cismaan-dicin Cabdulle Xayn-wade oo kamid ahaa waxgaradka aad looga yaqaanay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubbaland.

Marxuum Xayn-wade oo ahaa nin da’ ah ayaa geeridiisa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah ehelkiisa.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole iyo Cabdirashiid Maxamed Jaamac oo kamid ah ehelka Marxuumka ayaa tacsi u diray dhammaadkii dadkii uu ka baxay marxuumka iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

“Inaa lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun, waxaan tacsi u diraynaa ehelka, ubadka, xaaska, asxaabta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka tagay Rabbi naxariistii Jano ha ka waraabiyee Marxuum Maxamud Cismaan-dicin Cabdulle Xayn-wade oo maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London,” sidaas waxaa yiri Farole oo la hadlay Garowe Online.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in marxuumku uu kaalin weyn kazoo qaatay hormarka bulshada, wuxuuna tilmaamay inuu kamid ahaa dadkii aadka looga qadarin jiray magaalada Kismaayo caankana ka ahaa.

“Dicin wuxuu ahaa nin aad looga yaqaanay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland oo wax tar ah, wuxuu kamid ahaa waxgaradka aadka loo qadariyo ee dhaxal galka ahaa, mudadii uu joogay waddanka wuxuu soo noqday shaqaale dowladeed isagoo ka shaqayn jiray danta guud,” Ayuu hadalkiisa ku daray Senatorka.

Farole ayaa xusay in marxuumku kamid ahaa dadkii dedaalka u galay xornimada Soomaaliya, wuxuuna kamid ahaa ururkii Leegada isagoo waqtigaas ka howgalayay gobolka Jubbada hoose.

"Runtii lama soo koobi karo halgankii iyo waxqabadkii uu sameeyay Marxuumka, wuxuuse kamid ahaa ururkii Leegada oo u qaabilsanaa gobolka Jubbada hoose," Farole ayaa yiri. 

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale ALLE uga baryay Marxuumka inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah.

“Waxaan leeyahay Marxuumka ALLE ha u naxariisto, janna Fardowso Rabbi ha geeyo, waxaana mar labaad u tacsiyaynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka baxay,” Sidaas waxaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Farole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM