Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Image
Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in baarlamaanka uu u meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo haatan ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa qodobadan soo bandhigin kahor codka la doonayo in loo qaado mashruuca wax ka badalka Dastuurka ku meelgaarka ah.

Shanta qodob ayaa kala ah;

1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga. 

2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka.

3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku xigeen la sameeyo, ama laga dhigo Ra’iisul Wasaare uu Madaxweynuhu eryi karo, Baarlamaanka la’aantiis. Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya  Baarlamaan magac u yaal ah oo aan madaxweyne dooranaynin, Ra’iisul Wasaarana xil ka qaadi karin. 

4- Labo Xisbi oo mid hantida iyo awoodda dawlada lagu dhiso iyo mid malxiis u ah. 

5- Hal degaan doorasho oo liis xiran ah, magacyada xildhibaannada iyo kuraastaba uu hoggaamiyaha xisbiga go’aaminayo.


Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in Sabtida soo aadan ay cod u qaadaan wax ka badalka dastuurka gaar ahaan afar cutub oo ay hareeyeen doodo waaweyn ayna mucaaradka sheegeen in la doonayo in lagu abuuro nidaam kaligii-talis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM