Shaqa joojin lagu sameeyay ilaaladii amniga Jawaari [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa shaqa joojin ku sameeyay ilaaladii amniga gudoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, oo lagu soo ogey mooshin ka dhan ah.

Sarkaal katirsan Ciidamada oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay shaqa joojinta Askarta, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 25 Askari oo kuwa loo yaqaano Koofi-Gaduudka.

Askartan ayaa dhamaantood Ilaalo gaar ah u ahayd Jawaari, waxaana laga dhigay hubka iyadoo lagu wargeliyay inaysan ka bixi karin Villa Soomaaliya ilaa amar dambe.

Go'aankan oo kasoo baxay Xukuumadda, ayaa lagu soo beegay xilli Khilaaf u dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM la wareegeen guud ahaan amaanka gudoomiye Jawaari oo hadda wajahaya Mooshin kalsooni kala noqosho ah, oo Xildhibaano laga taageero ka haysta  xukuumada ay wadaan.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac "Gorod" ayaa ku dhawaaqay in la xiray Askar shalay hub la galay gudaha xarunta Gollaha Shacabka, oo la socday Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in lagu raadjoogo Askar kale oo baxsatay, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa in ay jiraan Malleeshiyaad ku lebisan dareeska Ciidanka oo Siyaasiyiin adeegsanayaan. Halkan ka akhri Warbixinta.

Ciidamada Qaranka ayaa la sheegay inay ku milmeen khilaafka u dhaxeeya dhinacyada is-haya, iyadoo shalay Ciidamo badan oo kala wateen Jawaari, Mahad, Cabdiweli Muudey iyo Xildhibaano buux dhaafiyeen Xarunta Baarlamaanka JFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM