Shaqaalaha dowladda oo dalka "uga cararaya" weerarada Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay "go'doon ugu jiraan" amni darro iyo jahwareer siyaasadeed.

"Aad ayaan uga walaacsanahay xaaladda ammaan ee guud ahaan dalka gaar ahaan Muqdisho," ayuu yiri, isaga oo wariyeyaasha kula hadlay magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika, Isniinta maanta ah.

Falalkii ugu dambeeyay ee liddi ku ah nabad-gelyadda oo ay Al-Shabaab ka geystay caasimada ayay ku beegsatay xarunta gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku dishay xubno uu kamid yahay duqii Muqdisho.

Siyaasiga oo weerarkan si gaar ah u dul istaagey ayaa su’aal geliyay in kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay "ku kali lahayd", wuxuuna is-waydiiyay in ay "wadashaqeyn ka dhaxeyso" dowladda iyo Al-Shabaab.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo u muuqda mid isaga isu jawaabaya ayaa ku adkeystay in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ku milmeen sirdoonka iyo dakhliga laga uruuriyo magaala madaxda wadanka.

"Ma jirto nootaayo ku taala Muqdisho oo dhul kala wareejin karta iyadda oo aaney canshuur la siinin Al-Shabaab," ayuu tibaaxay, isaga oo xusaya in Shabaabka ay lacago baad ah ka qaado ganacsatadda.

Warsame ayaa cod dheer daaha uga rogay in ay jiraan shaqaale dowladeed kuwaasi oo qoysaskooda isaga tegay iyaga oo walaac xoogan ka qaba xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee wadanka ka jirta.

"Safaaradda Turkiga waxay ku warantay in boqolaal kamid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ay todobaad walba araaji u qoronayaa si ay deganaanshiyo iyo nolal uga helaan Turkiga," ayuu raaciyay.

Hogaamiyaha Wadajir oo ku tartarsiiyay Laanta Fulinta in ay si dhab ah u wajahdo xaaladaha amni ee wadanka ka jira ayaa ku booriyay hogaanka waddanka in aysan ku mashquulin "kala qeybinta baarlamaanka iyo xaflado dhegis".

"Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay dowladda sameysay iyo lacago baad ah oo ay soo rogeen Al-shabaab. Xiritaanka wadooyinka, shaqo la’aanta dhalinyarada, qaraxyada joogtada ah," ayuu daba dhigay.

Kaliya bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, ku dhowaad 50 ruux ayaa ku dhimatay weeraro kala duwan oo ay Al-Shabaab ka fulisay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaasi oo badankooda ah shacab.

"Heerkan cadaadiska iyo niyad-jabka, waxay umuuqataa in dadku kaliya sugayaan qarax ay ku dhintan. Hoggaamiyaasha dawladu waa in cabashada sharciga ah ee shacabka aysan ku qaldin jahwareer siyaasadeed," ayuu kusoo xiray.

DAAWO SHIRKA JARAA'ID

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM