Shaqaale katirsanaa Wasaaradda Diinta oo lagu dilay Muqdisho

Image

MAUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe in Rag bastoolado ku hubeysan ay Xaafadda Haanta-Dheere ee degmada Deyniile ku dileen saaka Maxamed Cabdi Oongooye, xilli uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada.

Dableyda dilka fulisay ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan ciidamada amaanka gaarin, waxaana la ogeyn cidda ka dambeysa falkan khaarijinta ah, iyo sababta ka dambeysay.

Nuur Maxamed Xasan, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dilka Oongooye, isagoo tacsi u diray eheladda marxuumka, oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacaha Muqdisho.

Laakiin, waxaa dilalka noocan ah looga bartay Al Shabaab, oo mudo 10 sano ah dagaal kula jirto dowladda Federaalka iyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Dilka Maxamed Cabdi Oongooye ayaa kusoo beegmay xilli saaka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay nin la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada Muqdisho. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM