Shaqaale Turki ah oo lagu dilay qarax ka dhacay caasimada Soomaaliya

Image
Weerarkan uu dhiiga ku daatay waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqaale Turki ah ayaa fiidnimadii Khamiistii waxaa lagu dilay Soomaaliya weerar ay sheegatay maleyshiyadda Al-Shabaab ee xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiid ay la socdeen shaqaale samafalayaal ah oo isugu jira Turki iyo Soomaali iyo ilaaladooda ay ku sii jeedeen xero barakacayaal si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan.

Goob joogayaal iyo booliiska ayaa xaqiijiyay in qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu haleelay mid kamid ah baabuurta, waxaana ku dhintay labo qof oo ahaa shaqaale Turki ah iyo mid Soomaali ah.

Qoraal ay soo dhigtay barraha bulshada ee X, oo hore loo oran jiray Twitter-ka, ururka Verenel, oo ah hay’adda gargaarka Turkiga ee raashinka qaybineysay, ayaa waxay ku xaqiijisay in wakiilkii Soomaaliya, Abdurrahim Yörük, lagu dilay weerarka.

“Walaal [Abdurrahim Yörük] waxa uu ku shahiiday weerarkii bam ee la geystay 11:30 4.04.2024, kaas oo lala beegsaday kooxdayada Verenel Association, kuwaas oo hawshooda Soomaaliya ka fulisa Hawlaha Gargaarka Bani’aadminimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Afhayeen u hadlay booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in samafalayaasha la bartilmaameedsaday ay raashiin u geynayeen dad masaakiin ah oo sooman intii lagu jiray bisha Ramadaan.

"In la beegsado dadka aan is-difaaci karin ee u yimid inay Soomaalida ka caawiyaan miinooyinka dhulka lagu aaso waxay muujinaysaa naxariis-darrada Khawaarijta [maleeshiyada]," ayuu Xasan u sheegay saxafiyiinta Muqdisho.

Turkiga ayaa saaxiib weyn la ahaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii markaasoo Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan uu booqday Soomaaliya oo ay ka jirtay abaaro dad badan ay ku dhinteen.

Tan iyo markaas, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka caawinayey gargaarka bini’aadantinimo iyo taageerada miisaaniyadeed. Markii dambe wuxuu qeyb ka noqdey mashruuca dhismaha Ciidamadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM