Shariif: Muwaadin bixinta dhiigaada ku badbaadi qof kale walaalkaaga ah

Image
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu Isbitaalada ugu baaqay in ay u dhimriyaan dadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Qoraal uu kusoo daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu Shariif waxa kale oo uu dadweynaha ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan ololaha dhiiga loogu raadinayo dadka dhaawacyadda ah.

Waxaan baaq u dirayaa guud ahaan umadda soomaaliyeed in ey gurmad gaarsiyaan dadka ee waxyeelada ka soo gaartay musiibadii xalay ka dhacday Xeebta Liido. 

Waxaan baaq u dirayaa Ganacsatada Soomaaliyeed in garab istaag deg deg ah u fidiyaan isbitaaladda, Waxaan ku boorinayaa xarumaha cafimaadka in ey dadka dhaawacyada ah loo dhimriyo lana tixgaliyo daruufaha ee bulshadeen ku kala noolyihiin. 

Waxaan ku boorinayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ey si deg deg ah u garaan xarumaha cafimaadka si qeyb uga noqdaan badbaadinta walaalahood oo ey dhiigooda u shubaan dadka dhaawaca ah. 

Ugu danbeen waxaan ku bogaadinayaa Howlwadeenada caafimaad oo ilaa xalay ku howlanaa la tacaalida Dhaawacyada. Muwaadin Bixi dhiigaada oo ku badbaadi qof kale oo walaalkaaga ah.

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM