Shariif: Muwaadin bixinta dhiigaada ku badbaadi qof kale walaalkaaga ah

Image
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu Isbitaalada ugu baaqay in ay u dhimriyaan dadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay weerarkii xalay ay Al-Shabaab ka fulisay xeebta liido ee Muqdisho.

Qoraal uu kusoo daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu Shariif waxa kale oo uu dadweynaha ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan ololaha dhiiga loogu raadinayo dadka dhaawacyadda ah.

Waxaan baaq u dirayaa guud ahaan umadda soomaaliyeed in ey gurmad gaarsiyaan dadka ee waxyeelada ka soo gaartay musiibadii xalay ka dhacday Xeebta Liido. 

Waxaan baaq u dirayaa Ganacsatada Soomaaliyeed in garab istaag deg deg ah u fidiyaan isbitaaladda, Waxaan ku boorinayaa xarumaha cafimaadka in ey dadka dhaawacyada ah loo dhimriyo lana tixgaliyo daruufaha ee bulshadeen ku kala noolyihiin. 

Waxaan ku boorinayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ey si deg deg ah u garaan xarumaha cafimaadka si qeyb uga noqdaan badbaadinta walaalahood oo ey dhiigooda u shubaan dadka dhaawaca ah. 

Ugu danbeen waxaan ku bogaadinayaa Howlwadeenada caafimaad oo ilaa xalay ku howlanaa la tacaalida Dhaawacyada. Muwaadin Bixi dhiigaada oo ku badbaadi qof kale oo walaalkaaga ah.

Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarkan isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 ruux kale. Xeebta Liido ayaa habeenka Jimcaha ah mid mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM