Shariif Xasan oo is casilay, kana tanaasulay tartankii Doorashada

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan Shariif Xasan ayaa goordhaw iska casilay xilka Madaxweynaha, isagoo ka tanaasulay tartankii Doorashada Madaxweynaha.

Shariif Xasan ayaa go'aankan kaga dhawaaqay aqalka Madaxtooyadda, halkaasi oo ay goob-joog ahaayeen xubnaha Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed, Xildhibaano, Afhayeenka Baarlamaanka iyo bahda Saxaafadda.

Waxaa xilka Madaxweynaha si KMG ah u sii heyn doona Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhuna Maye, illaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub, sida uu qabo dastuurka maamulkan.

Go'aanka Shariif Xasan oo ah mid la hadal hayay sacaadihii ugu dambeeyay, waxaana ay kusoo beegmaysaa xili doorashada maamulkiisa ay faragelin ku hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo musharixiin hubeysan u dirtay Baydhabo.

Is-casilaadda Shariif Xasan ayaa waxay sidoo kale imaanaysaa iyadoo maanta Muqdisho laga soo qaadey ku dhawaad 40 Xildhibaan, kuwaasoo dib loogu celiyay Baydhabo si ay doorashada ugu codeeyaan musharax ay dowladda wadato.

Musharixiinta ayaa waxaa isagu soo haray hadda Mukhtaar Roobow, Maxamed Ibraahim Farkeeti, Xuseen Maxamed Xuseen [Caloolkuus] iyo Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo la sheegay inay taageerayso Villa Somalia.

Shariifka ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu hayey tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo loo doortay jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol oo kala ah; Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Villa Soomaliya oo lagu eedeeyay faragelinta doorashadda Koonfur Galbeed ayaa dooneysa in kursigaan uu kusoo baxo siyaasi ay feker ahaan iska akdhow yihiin, taasi oo suurtagalnimadeeda ay haatan muuqato, inkasta ay wax isbedali karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM