Sheekh Cusmaan Xiddig oo ku geeriyoodey magaaladda Muqdisho

Image
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa aqoonyahan iyo bare sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha u naxariistee waxaa xalay oo Jimco ahayd magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Cismaan Sheekh Cumar oo ku magac dheeraa Sheekh Cusmaan Xiddig. Wuxuu ahaa 82-sano jir.

Sheekh Cismaan Xiddig waxa uu ahaa aqoonyahan iyo bare sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Muddo tobanaan sano ah waxa uu xarumo diineed ka waday magaalada Muqdisho iyo deegaanka uu ka soo jeedo ee Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud.

Ehelada oo ka gaabsaday sababta uu u dhintay ayaa sheegay in lagu aasi doono degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa taabatay quluubta dad badan kuwaas oo fariimo ay soo dhigeen baraha bulshada tacsi ugu diray dhamaan qoyska, qaraabada iyo asxaabta Sheekha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM