Sheekh Shariif oo si kulul u cambaareeyay qaraxa Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay qaraxii Muqdisho isagoo ku tilmaamay "fal waxashnimo ah".
Qoraal kooban oo uu so dhigay baraha bulshada ayuu tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay "Weerarkan argagixisanimo" wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Maqaayad Top Coffee ee magaalada Muqdisho caawa.
Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka.
Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo.
GAROWE ONLINE