Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Colaada Tukaraq, Baaqna diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlaya colaada ka oloolsan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa baaq-nabadeed uu u diray Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in iyadoo lagu jiro Bil barakaysan [Ramadan] uu daato dhiiga qof Muslim ah, islamarkaana la barakaciyo Shacab Muslim ah, oo nabad iyo xasilooni ku noolaa.

Si gaar ah ayaa wuxuu Sheekh Shariif uu ugu baaqay Madaxweyniyaasha Puntland [Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Somaliland [Muuse Biixi Cabdi] in door odey-tinimo ay ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka Tukaraq.

“Waxaa lagu jiraa bil-barakaysan, ma wanaagsana inuu daato dhiig qof Muslim ah ama la barakiciyo, sidaas darteeda maamulada Tukaraq ku dagaalamaya waxaan ugu baaqayaa inay si deg deg ah ku joojiyaan colaadda,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan ka cod-sanayaa labada Madaxweyne [Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi] inay door wayn ay ka qaataan sidii colaada loo joojin lahaa, ayna kawada shaqeeyaan inay nabad-kuwada noolaadaan Shacabka labada maamul,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa u sheegay Madaxweyniyaasha Puntland iyo Somaliland inay ku xaliyaan wax walba oo ay kala tabanayaan wada-hadal ayna u turaan dadka ku dhibaateysan Aaga colaadu ka taagan tahay ee gobolka Sool.

Baaqa Sheekh Shariif ayaa kamid yahay baaqyo nabadeed oo ay dirayaan Hal-doorka bulshada, madaxda iyo beesha caalamka kuwaasi oo codsanaya in dagaalka deegaanka Tukaraq la joojiyo, laguna soo celiyo xaaladiisa hore.

Tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay, Xaaladda Tukaraq ayaa degan inkastoo ay xiisad jirto, lana filan karo inuu dagaal dhaco, maadaama labada Ciidan ay isku hor-fadhiyaan goobihii horey ugu dagaalameen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM