​Sheekh Shariif oo u sharaxan Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan madaxweynaha Somalia doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadkan 2016.

Sheekh Shariif oo xafladda shaacinta murashaxnimadiisa ah ku qabsaday magaalada Muqdishu, ayaa wuxuu sheegay inuu ahmiyadda siin doono dib u dhiska dalka iyo hormarinta dhaqaalaha hadii loo doorto hogaanka dalka Afarta sano ee soo socota.

Wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono dhanka ammaanka islamarkaana dhiirigalin doono in la manaafacaadsado khayraadka dalka ku jira.

Mahadcelin ballaaran ayuu usoo jeediyay dadka soo dhaweeyay markii uu Muqdishu yimid iyo kuwa kala soo qayb galay xafladdan.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynihii madasha joogay ee hadallada jeediyay, ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin is-sharaxidda Sheekh Shariif iyagoo tilmaamay inuu yahay hogaamiye ku haboon talada dalka, waxayna bogaadiyeen waxqabadkiisii.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sheekh Shariif uu soo gaaray magaalada Muqdishu kadib Afar sano oo dalka ka maqnaa, wuxuuna kamid noqday murashaxiinta horay u shaaciyay inay u loollamayaan hogaaminta Somalia ilaa 2020.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM