Sheekh Shariif: Xasan Sheekh uma qiyaasna khatarta dalka ku jiro

Image
Madaxwaynihii hore Soomaaliya ayaa hogaanka dalka ku eedeeyay in ay kala qeybinayaan ummadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu kala qeybinayo bulshadda Soomaaliyeed.

Shariif oo sidoo kale haatan ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa waxa uu ka digay in tani ay keeni karto dhaawac soo gaara midnimada ummadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKH SHARIIF

Waxaan aad uga xumahay abaabulka qabyaaladeysan oo baryaan danbe hareeyay baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, kaasoo dhawacaya wadajirka umadda Soomaliyeed iyo masiirkooda, sidaa awgeed, waxaan ka digayaa fal kasta o dhaawici kara madaxbannaanida dhuleed, Badeed iyo cireed ee Soomaaliya, waaxana u arkaa dariiga kaliya ee aan ku difaaci karno dalkeena inuu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegayn degaan, koox iyo qabill toonna.

Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala gaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shagayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa muuqata in madaxweynaha JFS aysan uqiyaasnayn khatarta dalku ku jiro iyo sida maanta loogu baahan yahay in laga shageeyo tillaabo kasta oo keeni karta midnimada ivo wadaajirka Shacabka Soomaaliyeed meel walba o ay ku noolyihiin.

Waxaa wax ad looga xumaado ah abaabulka yo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan yo hadalada an habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta yo u abaabulka dadka Soomaaliyeed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.

Waxaan ugu baagayaa ummada Soomaaliyeed meel kasta o ay joogaan inay ka gudbaan qabillaysiga, is-collaysiga iyo khalaafaadka dhexdooda ah, una midoobaan difaaca qarankooda. Waxaan xasuusinayaa shacabka Soomaaliyeed inay dowladdoodii ku waayeen qabyaalad sidaa daraaddeed wakhtigaan aysan habboonayn in jidkaas xun dib loo raaco.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladdu inay wax ku eegaan indho qaran ee aysan kusoo hoos noqon wax kala dhantaalaya awoodda dadka. Marka la joogo difaaca dalka waa inay meesha ka baxdaa kana igasoo hor-jeeda iyo kanaan isku koox nahay. Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa shacabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM