Shir dhaqaale loogu uruurinayo Soomaaliya oo ka furmay Geneva

Image
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa shir-guddoomiyay Madasha Daneeyayaasha Caalamiga oo lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Waddooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay Geneva.

Madashan oo ay soo agaasimeen Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Xafiiska Gaarka ah ee Xal-u-helidda Barakaca ee Qaramada Midoobay, waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal, hay'ado caalami ah iyo bangiyada horumarinta.

Wasiirka khudbad uu ka jeediyey furitaan shirka wuxuu ku tilmaamay muhiimada ay leedahay helidda xal waara ee barakacayaasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay qorsheynayso in mudda 2 sano ah xal waara loogu helo 1 milyan oo barakacayaal ah, taasoo u baahan iskaashi iyo maalgelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM