Shir ka furmay Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay DF

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa magaalada Kismaayo ka furmay shir u dhaxeeya hay’addaha amniga ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ka hadlay kulanka kaasi oo ay kasoo qaybgaleen wasiiradda amniga maamul goboleedyadda iyo taliyaasha ciidamada, ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta muhiimada ay leedahay midaynta gulufka ka ah Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay ka gaabisay hogaaminta olalaha dalka looga saarayo meelaha ay haatan ka haysto kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga oo xusay inay ku mashquushay siyaasadda.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daraya in madaxda Villa Soomaaliya ay ku diirada saarayaan burburinta nidaamka Federaalka dalka, taasi oo uu qaatay wadanka wixii ka dambeeyay dowladii ku meel gaarka ahayd.

"Al-Shabaab hoos udhac ayaa ku yimid, balse dowladda uma soo jeedo in laga xorreeyo dalka. Siyaasadda iyo doorashooyinka maamul goboleedyadda ayey ku mashquulsan iyo burburinta Federaalka," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shirkaan oo maalmo socon doona ayaa ujeedkiisu yahay sidii ay ciidamo isku dhaf ah usameysan lahaayeen dowlad goboleedyadda iyo qaabka loo marayo, xili ay soo jeedin doonan ka qaybgalayaasha afkaaro ku qotonta arrintaasi.

Sameynta ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin maamul goboleedyadda ayaa qayb ka ahayd qodobadii ay Madasha Iskaashiga isku raacday shirkii Garowe, kaasi oo ay sidoo kale ku sameysteen Xisbi siyaasadeed oo ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM