Shir looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay Washington [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta Peace Institute ee Mareykan-ka waxaa galinkii dambee shaley lagu qabtey shir looga hadley sidii Somalia looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay ee gaarayo 5 Billion.

Waxaa kulankaasi kasoo qeybgaley saraakiil ka socdey, Hayada Lacagta Aduunka, Bangigga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Arimaha dibadda ee Mareyknaka, bangigga Aduunka iyo deeq bixiyaasha caalam-ka.

Shirkaasi waxaa looga dhagaystey warbixin ku saabsan xaalka Somalia iyo waxey u rabto dowlada Somalia in deenta laga cafiyo wasiirka Maaliyad Somalia, Cabdiraxmaan Beileh.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kula yeelanayay Washington madax sare, oo ay kamid ahaayeen Saraakiisha Bangiga Adduunka iyo IMF, oo arrimaha deyn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM