Shir qaxootiga Soomaaliya looga hadlay oo ka dhacay Switzerland

Image
Image

GENEVA - Shir labo geesood ah, oo looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo qaxootiga ayaa ka dhacay magaalada Geneva, ee xarunta dalka Switzerland.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, ergayga UNHCR ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey iyo madaxa hay'adda Filippo Grandi ayaa ka qeyb-galay kulanka.

Mas'uuliyiinta ayaa si gaar ah shirkooda diiradda ugu saarey qaxootiga Soomaaliya ee ku nool Yemen, Kenya iyo Libya, kuwaasoo UNHCR iyo dowladda Soomaaliya ka shaqeynayaan dib usoo celintooda.

Shirka Geneva ayaa la isku afgartay in qaxootiga kuwadooda u baahan inay si aan qasab ahayn inay dalka ugu laabtaan, loo fududeeyo safarkooda, islamrkaana lagu taageero waxay kusoo noqon lahaayeen iyo in la caawiyo markii ay dalka yimaadaan.

Horey dowladda Federaalka, UNHCR iyo Kenya ayaa u galay heshiis dib usoo celinta qaxootiga Dhadhaab ku saabsan, kaasoo lagu celiyay kumanaan qoyska, oo la geeyay gobollada nabad ah, balse la dayacay.

Dhadhaab, oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka, kuna taalla waqooyiga bari ee Kenya ayaa waxaa ku nool dad Soomaali ah oo lagu qiyaasay 400,000 oo qof kuwaasoo intooda badan degan ku dhawaad 30 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM