Shirar is-burinaya kuna wajahan qaddiyada Dastuurka oo ruxay Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiisyadda Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha ayaa martigeliyey shirar kala duwan kadib warqadii ay soo saareen mudaneyaasha baarlamaanka ee tiradoodu ka badan tahay 70-ka xubnood.
Kulamadan ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in loo helo xildhibaana ku filan meelmarinta Afarta Cutub ee Dastuurka oo dhawaanahan looga doodayay Baarlamaanka labada Aqal.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirrada, waxaana Wasiir walba oo xildhibaan ah lagu amray in uu si buuxda uga qeyb-qaato mashruucan.
Sidoo kale Wasiirrada aan xildhibaanada ahayn ayaa lagu waramay in ay olole xoogan ka dhex-bilabaan xubnaha xildhibaanada beeshooda, si cod ku filan loogu helo ansixinta Dastuurka.
Sidda ay muujinayaan macluumaadka laga helayo illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo, waxaa la magacaabay guddiyo si joogta ah uga shaqeeya xildhibaanada dhexdooda una tashkiiliya si uu u meelmaro barnaamijkan.
Dhanka kale, Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar-gaar ah waxa uu la qaatay xildhibaano kala duwan, wuxuuna dhammaan ka codsaday in ay ka shaqeeyaan meel-marinta Dastuurka.
"Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada in Dastuurka uusan aheyn kitaab quraan oo wax laga badali karo sidii horayba u dhacday markii uu ahaa Axdi Qarameed hadana loo badalay Dastuur KMG," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.
Geesta kale, mucaaradka ayaa dhankiisa waxa uu waddaa olole ballaaran oo ay ku doonayaan in ay ku hor-istaagaan meelmarinta wax ka badalka Dastuurka iyadda oo ay horkacayaan madaxwayneyaashii hore ee waddanka.
Sikastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyadan iska soo horjeeda ayaa si weyn waxaa loogu badinayaa in ay sii kululeyn karaan marxalada siyaasadeed ee Soomaaliya taas oo horseedi kara xasilooni, qalalaase iyo diidmo aad u xooggan.
GAROWE ONLINE