Shirka

Image

10 January, 20.,l16(GO)-Shirkii madaxda Somalida maanta uga furmi lahaa magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa dib u dhacay muddo halmaalin ahaa sida uu shaaciyay Afhayeenka maamulkaas Cabdinaasir Seeraar.

Kulanka ayaa dib u dhacay muddo hal maalin ah, waxaana maata Kismayo tagaya madaxda dowladda Federalka, maamullada dalka iyo wufuud caalami ah oo goob joog kanoqon doonta.

Seeraar oo lahadlay BBC-da ayaa meesha ka saaray mugdi ku jiray imaanshaha madaxda qaybtood, wuxuuna xusay in dhammaan madaxda maamul goboleedyadu imaan doonaan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi doonta xilli uu sheegay in loo kulmay siyaabo kala duwan islamarkaana jiraan wadahadallo gooni gooni ah oo dhexmaray hogaamiyaasha maamullada dalka iyo madaxda Federalka.

Balse sida muuqata waxaa jira kala aragti duwanaan u dhaxaysa hogaamiyaasha Kismayo ku shiri doona, taasoo kusalaysan habraaca doorashada.

Dowladda Federalka Somalia ayaa suxul duub ugu jirta ku noqoshada nidaamka waxa ku qaybsiga beelaha iyadoo ku taageersanyihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somalia, waxaase kasoo horjeeda Jubbaland iyo Puntland.

Ammaanka magalada Kismayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socday dadaal Jubbaland ugu jirto soo dhaweynta iyo marti galinta shirka.

GARWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM