Shirka Amniga Qaranka oo markale dib u dhac ku yimid [Akhri Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirkii Amniga Qaranka ee lagu waday inuu maalamaha soo aadan ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ku yimid mar kale dib u dhac, sida ay noo xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Shirkaan oo ay ka qeyb-geli lahaayeen Madaxweyne-yaasha maamulada dalka iyo waliba kuwa dowlada Federaalka ayaa waxaa sababta loo baajiyay ay tahay mid aanan si dhab ah loo ogayn, inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxyaan.

Warar sheegaya in shirka dib u dhiciisa ay salka ku hayso khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo maamulada dalka qaarkood, kuwaasoo isku maan-dhaafsan go’aanada xukuumada Muqdisho ka qaadato masiirka dalka.

Xukuumada Ra’isal Wasaare Khayre ayaa isku daysdey iney kulankaan ku qabato magalada Baydhabo intii uu socdey kulankii madaxda maamulada Soomaaliya balse waxaa diidey codsigaas inta badan Madaxweynayaasha ku shirsanaa halkaas.

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa wararku sheegayaan inuu si aad ah ugu gacan sayrey codsigaas iyadoo wararka sheegayaan inuu ku hanjabey in shirka uu ka baxayo hadii go’aankaas la qaato.

Warsidaha GO ayaa ogaadey iney jireen qaar ka tirsan Madaxda maamulada oo qabey in shirka amniga qaranka qabsoomo inta Baydhabo ku shirsanaayeen.

Ma cadda waqtiga dib loo qaban doono shirkaan baaqday.

Dib u dhacaan wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalin ka hor uu Baydhabo kusoo gaba gabooobay shir ay isagu yimaadeen Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada, kaasoo war ay soo saareen si wayn ugu dhaliileen shaqada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirkaas kadib, Madaxda qaarkood ayaa waxay dib ugu laabteen Magaalooyinkii ay kal hore kasoo safreen, waxaana kamid ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] kaasoo ka degay maanta magaalada Garoowe.

Sidoo kale, illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare lagu waday inuu saacadaha soo aadan kasoo dhoofo Baydhabo, isagoo Muqdisho kusoo food-leh

Waa markii labaad oo dib u dhac uu ku yimaado Shirka Amniga Qaranka, iyadoo ay xusid mudan tahay in mar sii horey uu baaqday, waxaana arrintaan ay su’aalo gelineysaa xiriirka wada-shaqeyneed ee maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 09:38AM

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM