Shirka Brussels oo furmaya iyo wafuud ku qulquleysa Belgium

Image

BRUSSELS - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa gaarey magaaladda Brussels, ee caasimadda dalka Belgium, halkaasi oo berri uu ka furmayo shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Hogaamiye-yaasha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle iyo HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiiradda Dasuurka, Maaliyadda iyo Gaashaandhiga ayaa qeyb ka ah wafdiga Farmaajo ee gaarey Brussels.

Wafdigan ka socda dowaldda Federaalka iyo maamullada ayaa ka qeybgeli doona shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, kaasoo ay kasoo qeybgeli doonaan wafuud ka socda Beesha Caalamka, iyadoo uu socon doono mudo labo maalmood ah.

Shirkaan oo loogu magacdaray "Somalia Partnership Forum" ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha; amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashadda 2020 iyo qorshaha kala guurka ee dalka uga baxayaan ciidamada AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo horkacayo ayaa soo dhawayn diiran loogu sameeyay magaaladda Brussels markii ay garoonka ka dageen, iyagoo kadib loo gelbiyay Hoteelo loo qorsheeyay inay degaan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kasoo duulay Garoowe, isagoo kusii jeeda Brussels, isagoo qeyb ka ah madaxda maamul goboleedyada ee shirka lagu casuumey.

Shirkan ayaa lagu wadaa in Deeqbixiyaasha iyo Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ugu yaboohaan dowladda Federaalka dhaqaale badan oo ay ugu tala-gaaleen amniga Soomaaliya, oo hadda ku tiirsan ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM