Shirka Caalami ah oo ka furmaya Muqdisho iyo wadooyinka oo la xiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeybgalayaan wufuud ka socota 15 dal oo Ururkan xubno ka ah.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka muhiimka ah ee ku dhaw Xarunt Xalane, oo uu shirka ka dhacaya, iyadoo la hakiyay gaadiidka dadweynaha.

Waa markii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya shirkan tan iyo markii Ururka Iskaashiga Islaamka la aas-aasey 1969, waxaana in Muqdisho lagu qabto lagu go'aamiyay kulanii 45aad ee ee ka dhacay magaalada Dhaka ee xarunta Bangladesh.

Wufuudda qaar ee 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta soo garey Muqdisho, halka shalay kuwa hordhac u ah, oo ka socd Turkiga, Malaysia iyo Sacuudiga ay yimaadeen.

Ururkan shirka ku yeelanaya Caasimadda ayaa ka kooban dalalka soo socda:
1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen
Iyo Xoghaynta guud ee

Magaalada Muqdisho waxaa horey loogu qabtey shirar caalami ah, oo kuwa IGAD iyo Midowga Africa ah ay kamid yihiin, kuwaasi oo Soomaliya ay ka tahay xubin, balse aan martigelin mudadii dalka uu burburka ku jiray 20-kii sano e elasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM