Shirka dib u eegista Dastuurka oo War-murtiyeed laga soo saaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Dib-u-eegidda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo Muqdisho ka socday saddex maalmood ee lasoo dhaafay ayaa lasoo gaba gabeeyay, iyadoona laga soo saarey mar-murtiyeed.

Shirka oo bilowday 13-kii May, ayaa waxaa furay Afayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, isla isaga ayaana soo xiray maanta oo Isniin ah.

Saddex maalmood ee uu socday Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgashay in ka badan 300 xubnood, kuwaasoo isaga kala yimid dalka iyo dibada, ayna ku jiraan dadka Ajaaniib ah, kuwaasoo lagu martiqaaday ka qeyb galka shirkaan.

Lix qodobood ayaa shirka diiradda lagu saarey kuwaasoo kala ah:

  1. Mabaadi’da ee hageysa dib-u-eegista dastuurka
  2. Hanaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib u eegista dastuurka
  3. Hanaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga ah, Wacyigelinta, La-tashiga dad-waynaha iyo horumarinta ka qeyb-qaadasho loo dhan yahay
  4. Horumarinta qaab dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah
  5. Nooca Feeraal ee ku haboon Soomaaliya
  6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib u eegista dasuurka iyo sidii loo ambaqaadi lahaa

War-murtfiyeedka kasoo baxay shirka oo ka koobnaa dhowr qodobood ayaa waxaa ugu waa weyn in dib ueegista Dastuurka si rasmi ah ubilaabatay, islamarkaana la filayo in lasoo gaba gabeeyay ugu dambeyn Diseember 2019

Sidoo kale, waxaa lagu faray dhamaan dadka ku howlan dib u eegista Dastuurka in aysan dayacin, islamarkaana la marin habaabin, sida lagu sheegay war-murtiyeed

“Waa in nadaamka dib u eegista Dastuurka uu noqda mid daah-furan oo isla xisaabtan leh,” ayaa sidoo lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka

“Dib u eegista dastuurka waxay ku saleys naan doontaa in wax ka bedal lagu sameeyo; qodobada ay cilad farsamo ka jirto; kuwa u baahan yahay wada xaajoodyada siyaasadeed iyo qodobada dasuurka KMG ah ku jira, si wax ku deris iyo wax ka bedal loogu sameeyo

Shirka ayaa sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dhamaan heshiisyadda ay kala saxiixdaan dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyadda loo rogo ama la dhigi qodob Dastuur ah, si buu looga fogaado is-qabsi siyaasadeed

Wuxuu kaloo faray shirka in Xilldhibaanada Baarlamaanka hadda jira inay inta muda xileedkooda uu jiro inay meelmariyaan dhamaan qodobada Dastuurka ku jira ee KMG ah, islamarkaana ay wax ka bedal ku sameeyaan qodobkii ciladi ka jirto

“Dadka kasoo qeybgalay shirka waxay ku heshiiyeen, in dib u eegista dastuurka ay hor-boodaan siyaasiyiin koobanl; in uusan imaan dib udhac kale; inuu noqdo mid Soomaali leedahay iyo in Soomaaliya hogaamiso,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka

Ugu Dambeyn, shirka wuxuu mahad-naq balaaran uu ujeediyay beesha caalamka, ka qeybgalayaasha iyo cid walba oo garabka geysatay inuu qabsoomo shirka dib u eegista Dastuurka Qaran ee Muqdisho ka dhacay.

Dastuurka qabya qoraalka ee Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inuu yahay midka ugu qaalisan adduunka islamarkaana mudada ugu dheer la qorayo, iyadoo ay ku baxday dhaqaale fara badan oo la rumusan yahay in la musuq-maasuqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM