Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay; xiliga uu furmayo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu waday in uu maanta oo Arbaco ah ka furmo magaaladda Dhuusamareeb ayaa dib u dhacay markii saddexaad, sida loo xaqiijiyey Garowe Online.

Iyadda oo inta badan ergooyinka loosoo xulay in ay kasoo muuqdan kulanka ay magaalada joogan, lama ogga sababta dhabta ah ee keentay in la baajiyo furitaankii loo madal-sanaa maanta.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sababta keentay baaqashada ay tahay "cilado dhanka farsamada ah" wallow aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo la xiriirta waxay yihiin.

Guddiga qaban-qaabadda ayaa laga soo xigtay in maalinta berri oo ku beegan Khamiis, 5-ta September, uu si rasmi ah u furmi doono kulankaasi oo ay kasoo qeybgalayan bulshooyinka ku heshiiyey dhismaha maamulkaasi.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caasimada dowlad goboleedkaasiu tegay furitaanka shirkaasi oo ay hareeyeen tabashooyin ka imaanaya qaar kamid ah dhinacyadda ka qeybgalaya.

Amniga oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa loo daabulay magaala madaxda ciidamo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee federaalka iyo cutubyo kamid ah howlgalka AMISOM.

Shirkan oo xukuumada ku sifeysay mid lagu dhisayo "Galmudug mid ah" ayaa la tilmaamay in uu gogol-xaar u yahay mid kale lagu qeybsanayo awoodaha laguna soo xulayo Xildhibaano cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM