Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada oo ka furmaya Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomalaiya, kaasi qabashiisa dhaliyay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Gollaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka oo Baydhabo kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka uu yahay midkii 4aad oo ay yeeshaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Cawad ayaa sheegay qabashada shirkan Baydhabo lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho, iyadoo xilligaasi aysan ka jirin dalka maamullada cusub ee dhawaan la dhisay sida Galmudug iyo HirShabeelle.

Wali lama shaacin ajandaha Shirka Baydhabo, balse Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay in looga hadli doono Shirka furmaya arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka.

Shirkan ayaa la filayay inuu shalay furmo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kadib markii wafuuda ka qeyb-galaysa ay isla shalay gaareen magaalada Baydhabo.

Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa bartamihii bishan shaaciyay in shirka Baydhabo uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka oo sharci darro ah, isagoo warqad uu u qoray Madaxda maamullada iyo Madaxwyne Farmaajo uga codsaday in la joojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM