​Shirka Istanbul oo lasoo gabagabeeyay

Image

ISTANBUL- Shirka looga hadlayay arrimaha Somalia ee kasocday dalka Turkiga gaar ahaan magalada Caasumadda ah ee Istambul, ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu taageeray hanaanka loo marayo doorashada dalka ka dhacaysa 2016. 

Kulankan oo labo maalin qaatay, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda Somalia marayso iyo hormaradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dhinacyada amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana go'aamadii kasoo baxay lagu ammaanay in Somalia ku jirto tubtii hormarka iyadoo ay jirto dhibaato baaxad leh gaar ahaan falalka dhinaca argagixisada. 

shirkan oo loogu magac daray madasha 6-aad ee heerka sare ee Somalia iyo bulshada caalamka, waxaan maxsuulkii kasoo baxay ka waramay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye oo la hadlay VOA. 

Hadliye, ayaa sheegay in la taageeray sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka sanadkan 2016, isla markaana Caalamka uu garwaaqsaday horumarka xoogan ee Soomaaliya sameysay, hadii ay ahaan laheyn la dagaalanka Argagixisada, isu keenida dadka Soomaalida, sameynta maamul goboleedyada. 

Kulanka Istanbul oo isugu yimaadeen madax kasocota dowladda Somalia, maamullada qaybtood iyo Ergooyin kasocota 50 dal, waxaa ka maqnaa maamulka Puntland iyo Somaliland oo sheegay inaysan quseyn maxsuulka kasoo baxa. 

Nidaamkan la taageeray ee 4.5, waxaa horay u qaadacay maamulka Puntland, waxaana taageeradan sii xoojinaysaa muranka ka taagnaa ku noqoshada habka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM