Shirka Kismayo oo furmay

Image

14 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Kismayo xarunta Jubbada hoose kafurmay shirka looga hadlayo xaaladda Somalia gaar ahaan doorashada 2016 iyo qaabka ugu haboon ee lagu wajihi doono.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Somalia, waxaana ka qayb galay dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyadoo ay joogaan xubno kasocda beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa lagu sifeeyay furitaan kaliya, waxaana lafilayaa inuu qaato ilaa shan bari, waxaana siyaasiyiin Radio Garowe la xiriirtay oo arrintaasi wax kaweydiisay rajo kamuujiyeen inay kasoo bixi doonaan waxyaabo lagu wada qanacsanyhay.

Balse, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo shalay 13 January, hadlay ayaa tilmaamay in madashan noqon doonto tii ugu dambaysay ee lagu go'aamiyo habraaca doorashada 2016.

Faahfaahinta waxyaabaha kasoo baxay kulanka maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM